Latest News

Taliyaha Ciidanka Somalia Oo Socdaal Ku Tagay Dalka Kenya

Nairobi, March 18, 2023 (Haatufonline) – Taliyaha Ciidank Soomaaliya Gen Odawa Yuusuf Raage ayaa booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Kenya.

Gen Odowaa ayaa booqday Dugsiga Ciidanka Dhulka ee Dalka Kenya. Lama oga waxa uu ku saabsan yahay safarka taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya uu ku jooga Kenya.

Booqashadiisa waxay kusoo aaday xilli  Kenya ay qorsheynayso inay Soomaaliya usoo dirto ciidamo cusub oo ka taageeraya ciidamada Soomaaliya wejiga 2aad ee howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Kenya ayaa qorsheynaysa inay wax ka bedesha qorshaheeda la dagaalanka Alshabab, waxayna doonaysaa inay Alshabaab kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya, iyagoo ka garab dagaalamaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kenya ayaa bishii febraayo Muqdisho ku saxiixday heshiis ku saabsan in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Al-Shabaab.

Kenya waxay hadda dhibbane u tahay weerarada Alshabaab ee ka geystaan gobolka Waqooyi Bari iyo gobolka Xeebta, halkaas oo Alshabab si firfircoon uga howlgallaan, iyagoo geysta weeraro jidgal ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*