Latest News

Telesom iyo Somtel oo xayiraad saaray cidkastoo baahisa warka shidaal ay kasoo iibsadeen Iiraan

Haatufonline,March15,2026

Labada shirkadood ee isgaadhsiinta ee ka shaqeeya Somaliland ayaa xayiraad saaray wargeyska internet-ka lagu daabaco ee somalilandchronicle.com kadib markii uu todobaadkii hore qoray war sheegaya in bishii February 2026 uu dekadda Berbera kusoo xidhay taankarka lagu magacaabo Clifton isagoo sida gas-ka lagu kariyo cuntada (LPG) oo ay soo iibsadeen Telesom iyo shirkadda Dahabshiil ee ah mulkiilaha Somtel.
Sida uu wargeysku sheegay dawladda Maraykanka ayaa markabka taankarka ah ee Clifton ku eedaysay inuu ka midyahay gaadiidka badda ee tahriibiya shidaalka cunaqabtayntu saarantahay ee dalka Iiraan waxaanay taankarkaasi kusoo rogtay xayiraad.

Hadaba Telesom iyo Somtel oo monooboli ku haysta igaadhsiinta internetka iyo ku-hadalka telefoonada iyo waliba lacagta la isugu diro telefoonada(mobile money) ee Somaliland, ayaa adeegooda internetka ka mamnuucay( block garayey) somalilandchronicle.com.
Labada shirkadood waxa kale oo ay xayiraad saareen wargeyska interneka kusoo baxa ee haatuf online oo soo xigtay warkii uu daabacay somalilandchronicle ee ku saabsanaa taankarka Clifton iyada uu haatuf online intaas ku daray in labada shirkadood ay dalka keenaan shidaal aan tayo lahayn oo laga soo tahriibiyo dalka Iiraan oo hadana ay dadweynaha kaga iibiyaan qiimo aad u qaali ah. Dawladda Somaliland ayaa sagaal cisho ka bacdi ku ambabartay imaatanka Clifton iyo badaacadda uu siday waxaanay ka saartay dalka isla markaana waxa la xidhay sadex ka mid ah shaqaalaha dekadda.

somalilandchronicle.com waa wargeyska kaliya ee Afingiriisiga lagu soo qoro ee k hadla qadiyada Somaliland, waxaana inta badan tafatirahiisa Siciid Ibraahim lagu martiqaadaa warbaahinta caalamiga ah marka laga hadlayo arimaha Somaliland

Akhristeyaasha sharafta leh waxaanu kula talinaynaa inay isticmaalaan Proton VPN and Mullvad si ay u akhrisan karaan warbaahinta ay Telesom iyo Somtel xayiraadda saareen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*