Latest News

Toogasho Ka Dhacday Muqdisho Oo Lagu Dilay Askar Ka Tirsan Dawladda Somalia

Muqdisho, December 28, 2020 (Haatufonline) – Ilaa saddex qof oo lagu sheegay in ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa toogasho lagu dilay degmada Waabari, gaar ahaan halka lagu magacaabo Buundooyinka sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in mar kaliya ay rasaas ku fureen saddexdan ruux ee ka tirsanaa ciidamada dowladda iyaga oo intaa kaddibna goobta isaga baxsaday.

Ragga toogashada geystay ayaa la sheegay in ay wateen gaari yar oo kuwa raaxada ah oo markii danbana ay ku baxsadeen, iyadoo saddexda Askari ee la dilayna ka tirsanaayeen hay’adda nabad-sugida Soomaaliya.

Goobta ay toogashadani ka dhacday ayaa la sheegay in ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaanno halkaa ka sameeyay, laakiin uma aysan suurtagalin ay qabtaan kooxda dilka ka danbeysay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*