Latest News

Turkiga Oo Dhaqdhaqaaqyo Milatari Ka Sameeyey Waqooyiga Qubrus

Ankara, September 6, 2020 (HaatufOnline) – Ciidamada dalka Turkiga ayaa maanta oo Axad ah waqooyiga Jamhuuriyada goonideeda isku taagtay ee Qubrus ka bilawday dhaqdhaqaaqyo milatari, taas oo dawladda Ankara oo kaliyii ay aqoonsan tahay.

Xiligan waxa sii kordhaya xiisada cirka isku shareertay ee u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga ee bariga badda Mediterranean-ka, taas oo salka ku haysa Turkiga oo halkaasi ka baadhaya kayd shidaal, balse dalka Giriiga si weyn uga gilgishay arintaasi ayaa isaguna sheegay in biyahaasi ay ka tirsan yihiin dalkiisa, waxaanay xiisadani culays weyn ay ku keentay xidhiidhka labadan dal ee ka wada tirsan NATO.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sabtidii shalay kor u qaaday xiisada isagoo u digaya Griiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa sheegay in cunaqabatayn ay saarayaan Ankara ay miiska saaran tahay inta lagu gudajiro kulanka Golaha Midawga Yurub ee dhamaadka bishan. Markii xiisaduhu cirka isku sii shareertay, militariga Turkiga waxay bilaabeen laylisyadooda loogu magac daray “Duufaanta Mediterranean” oo ay ka bilaabeen Qubrus ee Turkiga, Madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay ayaa bartiisa Twitter-ka ku yidhi sidaasi.
Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa sidoo kale barteeda Twitter-ka ku soo qortay dhoolatusyada militari, oo soconayay illaa Khamiista, ” oo si guul leh” ku socda.
Qubrus waxaa loo qaybiyaa koonfurta oo Giriiggu Qubrus uu maamulo – oo ah wadan xubin ka ah Midowga Yurub – iyo waqooyiga Qubrus oo Turkiga ka mid ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*