Latest News

Ugu Yaraan 3 Qof Oo Ku Dhintay Dibadbaxyo Mucaaridku Ka Sameeyeen Somaliland

Hargeysa, August 11, 2022 (Haatufonline) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, halka 62 kale oo ka tirsan ciidanka bileysku ay ku dhaawacmeen dibadbaxyo xisbiyada mucaaridku ay ka abaabuleen maanta gobolada dalka.

Saddexda qof ee dhintay ayaa laba ka mid ah ay ku dhinteen dibadbaxyada ka dhacay caasimada Hargeysa ee ay soo abaabuleed laba xisbi ee Waddani iyo Ucid, halka qofka saddexaadla laga soo sheegay inuu ku geeriyooday Ceerigaabo.

Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay mudaharaadkan, waxaanay sheegeen in 62 Askari oo ka mid ah ciidanka boolisku ay ku dhaawacmeen.

Connect with us on Facebook