Latest News

Baadhitanki Niman Bilaysku Gacanta Ku Dhigeen Oo Laga Soo Dhoofiyey Xamar Si Ay Dilal U Gaystaan Oo Cirro Soo Galay.

Hargeysa,August 10,2022(Haatufonline)-Baadhitaan ay wadaan ciidamada ammaanka ee Somaliland oo ku saabsan niman ay gacanta ku dhigeen oo laga soo dhoofiyey  Xamar si ay Somaliland uga geystaan falal dilal iyo kharbudaado iskugu jira oo lagu khalkalinayo ammaanka dalka ayaa haatan soo galay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Wasiirka Daakhiliga Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa mar uu caawa la hadlayey warbaahinta sheegay in la helay caydaymo muujinaya in Cirro uu ku lug leeyahay imaatinka nimanka la qabtay ee dalka.

Connect with us on Facebook