Latest News

Ujeedada Socdaal Madaxa Midawga Afrika Ugu Baxay Dalka Ruushka

Sochi, June 2, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall oo sidoo kale ah Madaxa Midawga Afrika ayaa Jimcaha wadahadalo kula yeelanaya magaalada Sochi dhigiisa dalka Ruushka President Vladimir Putin.
War-saxaafadee, ka soo baxay Madaxtooyada Senegal ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Sall uu socdaal hal maalin ah uu ugu baxay dalka Ruushka Khamiista maanta kadib markii uu martiqaad ka helay Putin.
Safarkan ayaa ujeedadiisa lagu sheegay sidii loo sii dayn lahaa dalag iyo bacarimin, ay xayiran oo saamayn ku keentay dalalka Afrika.
Moussa Faki Mahamat, gudoomiyaha Komoshanka Midawga Afrika ayaa ku wehelinaya socdaalka Madaxweynaha Senegal uu ku tagay dalka Ruushka.
Waxaanu Faki iftiimiyey in loo baahan yahay xal nabadeed oo laga gaadho dagaalka Ruushka iyo Ukraine dhexmaraya.

Connect with us on Facebook