Latest News

Gudoomiyaha Midawga Afrika Oo Putin U Sheegay In Afrika Dhibane U Tahay Dagaalka Ukraine

Sochi, June 4, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha dalka Senegal isla markaana ah gudoomiyaha Midawga Afrika oo kulan la yeeshay maanta Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay in dalalka Afrika ay dhibane u yihiin dagaalka Ruushku uu ku qaaday Ukraine, loona baahan yahay Ruushku inuu ka caawiyo taasi.
Madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa sidoo kale sheegay kadib kulanka isaga iyo Putin ku dhexmaray magaalada Sochi in hoggaamiyaha Ruushku uu balan qaaday inuu fududeeyo sidii dalagaasi iyo waxyaalaha kale ee bacariminta beelaha loo isticmaalo ay u gaadhi lahaayeen Afrika.
Hase yeeshee Putin ayaa diiday in Moscow ay dakadaha Ukraine ka hor istaagtay in laga dhoofiyo midhahaasi/dalagaasi.
Tiro ka badan 40% Qamadida ka timaada Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu isticmaalaa Afrika.

Connect with us on Facebook