Latest News

Ururka Ahlu Sunnaha Oo Iclaamiyey Dagaal Ka Dhan Ah #Alshabab Iyo Daahir Caweys Oo Sh Shaakir Ka Hinaasay

Dhusamareeb,October 4,2021(Haatufonline)-Sheekh Maxmad Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha ruuxiga ah ee ururka Ahlusunnah Waljamaaca ayaa isagoo ku sugan deegaan Dhusamareeb ka xiga dhinaca waqooyi iclaamiyey dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Sheekh Shaakir oo u khudbadaynaya cutubyo ka tirsan ciidamada rasmiga ah ee ururkiisa iyo qaar dhawaan kusoo biiray ayaa waxa uu kula dardaarmay inay mar kale u diyaargaroobaan dagaal argagixisada Alshabaab lagaga saarayo gobolada dhexe waxaanu yidhi “Kuwaasi inaad dadka ka dhicisaan ood la dagaalataan ood Somalia ka xoraysaan diyaar ma u tihiin” taasoo ay dagaalyahanada hortubnaa kaga jawaabeen ” Haa Haa”.

Isagoo khudbaddiisii sii wata Sheekhu wuxu hoosta ka xariiqay in muhimadda kowaaad ee ururku tahay sidii marka hore deegaanada gobolada dhexe looga xorayn lahaa Ashabaab
waxaanu ciidanka xusuusay inay ilaaliyaan sharafta iyo meeqaamka ururka AhluSunnaha waxaanu yidhi “Magaciinu waa qaali.Waa magacii aad ku metaleyseen AhluSunna Waljamaaca.Waa magacii deegaanadan lagu xoreeyey.AhluSunna waa dadkii Sunnada Nabiga ku dhagay ee ehelka u ahaa”.

Hadaba Sheekh Xasan Daahir Aweys oo lagu tiriyo wadaada xagjirka ah isla markaana ay kasoo baaba’een ururo hubaysan oo diini ah sida Alitixaad,Maxaakiimtii Xisbul Islaam iyo Alshabaab oo laga saaray ayaa hadalo aflagaado iyo weerar shakhsi ah oo uu ku durayo Sheekh Shaakir kusoo duubay cajalad lagu baahiyey baraha bulshada.Dadka aqoonta dhaw u leh Daahir Aweys ayaa sheegay inuu ka hinaasay kartida hogaamineed ee uu lasoo baxay Sheekh Shaakir iyo guulaha uu ururka AhluSunnahu gaadhay.Waxa kale oo dadkaasi shegeen in dhaleecaynta kasoo yeedhay Daahir Aweys aanay ka madhnayn lexojeclo uu wali u qabo ururka Alshabaab ee uu sheekh Shaakir iclaamiyey la dagaalankiisa.

Connect with us on Facebook