Latest News

Wakiilka Xafiiska UK Ee Hargeysa Oo Tilmaamay In Somaliland Sumcad Xumo Ka Qaaday Cabudhinta Saxaafada

Hargeysa, (Haatuf) – Wakiilka dawladda Ingiriiska u fadhiya caasimada Somaliland ee Hargeysa, Stuart Brown oo hadal ka jeediyey kulan sare oo lagaga hadlayey xoojinta xoriyadda saxaafada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha booliska, wasiirka warfaafinta Somaliland, guddida xuquuqal insaanka iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Wakiilka xafiiska UK ee Hargeysa waxa uu walaac ka muujiyey xaaladda xoriyadda Saxaafada Somaliland ay haatan ku jirto, waxaanu tusaale u soo qaatay kiisas dhacay sanadkii la soo dhaafay ee 2019.

“31 kiis oo xadhig ah ayaa dhacay sanadkii 2019 balse 5 ka mid ah ayaa maxkamadd la geeyey, maxay taasi ku dhacday, aniga oo ka xun inaan si taban u hadlo. Somaliland sumcad xumo ayay ka qaaday cabudhinta xoriyadda hadalka.

Hadii aan la hadlo diblomaasiyiinta aanu saaxiibka nahay, waxay igala hadlaan xuquuqda aadamaha, iyo iyaga oo leh suxufiyiintu waxay ku jiraan xaaladd adag. Waxa kale oo aanu maqalnaa in Somaliland ay meel sare kaga jirto marka la eego xoriyadda hadalka ee dalalka gobolka, hadaba siday wax u jiraan, sideebaa loola tacaali karaa fahamkaas,” ayuu yidhi Stuart Brown, waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “26-kii Suxufi ee kale ee aan kiisaskooda maxkamadaha la keenin maxaa loo soo qabtay markii hore, siday wax u jiraan, yaa eedaasi iska leh, way fududahay in farta la isku fiiqaa, balse waxay ila tahay in masuuliyaddu ay fadhido meelo badan.

Waxaynu hadda ognahay in aanay jirin qaab sharciyeed sax ah, waanay fiican tahay in wasiirka warfaafinta oo hadda halkan inala joogaa uu hore u riixayo arintaasi.

Waxaan rajaynayaa in sanadka 2020 uu noqon doono sanad Baarlamaanka Somaliland uu meel mariyey sharciga saxaafadda,” ayuu yidhi Mr Brown, Wakiilka xafiiska UK ee Hargeysa, waxaanu intaasi raaciyey in arinta la xisaabtan la’aanta hay’adaha warbaahintu ay tahay arin wayn.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*