Latest News

Wali Adiga Iyo Nimiri-Libaax Ma Kuwada Dabaalateen Gacanka Tadjoura

Haatufonline,July 28,2023(Haatufonline)-Marka la eego kaluunka badaha aduunka ku uuman oo dhan waxa ugu xajmi weyn nooca loo yaqaan Nimiri-Libaaxa (requin baleine) oo marka uu ugu dheeryahay gaadha ilaa 18 mitir balaadhka afkiisuna 1.5 mitir, miisaankiisuna 11 tan. Hadana Nimiri-Libaaxa (Whale shark) intaas leeg waxa cunto u ah xaabka iyo makhluuqaadka ugu yar yar ee badda ku nool iyo iyo xayaabada dul sabaysa.Cuntadaasi wuxu kusoo nuugaa afkiisa balaadhan kaaso leh shaandho ka reebta oo dibadda usoo tuurta waxyaabaha aanu liqi karin. Nimiri Libaaxu wu ka duwanyahay xayawaanka kale ee ay isku magaca dhawyihiin ee la yidhaa Nimiriga (Whale) oo halka Nimiri Libaaxu uu ka midyahay Kaluunka, Nimirigu waa xayawaan Naasley ah oo miisaankiisu gaadho ilaa 200 ton.

Nimiri-Libaaxu inta badan waxa uu ku noolyahay biyo badeedka dalalka kulaylaha (tropical countries) laakiin mudada u dhaxaysa bisha November iyo February sanadkasta ayaa waxa xeebaha dalka Djibouti ee teedsan Gacanka Tadjoura kusoo dhawaada tiro badan oo ka mid ah Nimiri-Libaaxa taasoo loo dalxiis tago daawashadooda iyadoo biyaha la quusayo si loo arki karo. Xayawaankaasi afka wayni hadana dadka ma cuno oo dalxiisleyaashu waabay ag dabaashaan badda hoosteeda iyadoo meesha ugu haboon ay daawashadiisa kaga bogan karaan la yidhaahdo Ras Korali waxaanay ku taalaa xeebta Carta (Plage d’ Arta).Nimiri-Libaaxa waxa hilibkiisa,baalashiisa iyo saliidda ku jirta lagu kala gataa suuqyada caaalamiga taasoo jiritaankiisa khatar ku haysa. Halista kalena waxa weeye tirada badan ee ku bakhtida shabaakta ay kaluumaysatada waawayni ku daadiyaan badwaynta uu Kaluunkan xajmiga balaadhani laasimo. Kaluumaysiga sharci darada ah ee aan loo meel dayin ayaa isna ka mid ah ficilada dabargoynta ah ee uu aadamuhu ku hayo Nimiri-Libaaxa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*