Latest News

Waqooyiga Iyo Koonfurta Korea Oo Rasaas Isku Waydaarsaday Xaddka

Seoul, May 3, 2020 (Haatuf) – Milatariga Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay in ciidaamada labada Kuuriya ay rasaas iku waydaarsadeen xadka u dhexeeya labada dal.

Taliyaha Ciidamada Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay in ciidamada Waqooyiga kuuriya ay ku soo rideen rasaas ciidamada Koonfurta ee xadka jooga maanta oo Axad ah, waxaana labadan dal kala qaybiya xuduud la sheego inay ciidamada ka caagan tahay oo mar kasta u nugul in dagaal ka qarxo.

Hase yeeshee Milatariga Koonfurta Kuuriya waxa uu sheegay inay iyaguna ka jawaabeen rasaastaasi lagu soo riday kadib markii ay digniin dhinaca codbaahiyaha ah ay u mariyeen hawada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Koonfurta Korea.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*