Latest News

Warar Sheegaya In Ugu Yaraan 50 Ka Mid Ah Ciidanka Itoobiya Ay Ku Dhinteen Dagaal Ay Shalay La Galeen Ciidamada Suudaan.

Qadaaref,February 5,2021(Haatufonline)-Warar laga soo xigtay dhinaca Suudaan ayaa waxa lagu sheegay in ugu yaraan 50 ka mid ah askarta ciidanka Itoobiya lagu dilay dagaal shalay Khamiistii xadka ku dhexmaray labada ciidan ee Suudaan iyo Itoobiya.

Siday laba sarkaal oo ka mid ah ciidanka Suudaan ay ugu warameen wakaaladda wararka ee Jarmalka,dagaalku wuxu bilaabmay kadib markii ay ciidamo Itoobiyaan ahi ay weeraro kusoo qaadeen ciidamada dhinaca Suudaan ee ku sugnaa deegaanka dhul beereedka ah ee la yidhaa Alfashqa kaasoo ay manaafacaadsanjireen beeralay Itoobiyaan ahi balse ay ciidamada Suudaan ay dhawaan dib u qabsadeen.Labada sarkaal ee reer Suudaan waxay intaas ku dareen in Itoobiyaanka laga qabtay maxaabiis dagaal isla markaana laga qabsaday xero ciidan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*