Warbixin Eritrea ka timid oo Somaliland ku sifaysay dal dimuqraadi ah, Aqoonsi la’aantana ku tilmaantay cillad ka taagan Afrika
Hargeysa, 16 May 2026 —
Hargeysa. Warbixin ay daabacday Eritrea Insight 2 ayaa Somaliland ku tilmaantay dal sharci ahaan madax-bannaan oo dimuqraadi ah, kuna yaalla Geeska Afrika, iyadoo xustay in Somaliland leedahay dawlad u gaar ah, ciidan iyo booliis shaqaynaya, lacag u gaar ah, doorashooyin dimuqraadi ah, iyo xasillooni ka sarreysa dalal badan oo hore loo aqoonsaday.
Warbixintu waxay dhaliil u jeedisay Midowga Afrika, iyadoo ku eedaysay in uu ka gaabiyey in uu aqoonsado Somaliland, inkasta oo ay muddo ka badan 30 sanno dhistay hay’ado, nabad iyo nidaam siyaasadeed oo shaqaynaya. Waxa kale oo ay sheegtay in sawirka caalamiga ah ee khariidadaha qaar lagu marin-habaabiyo, Somalilandna lagu dhex daro khariirad lagu magcaabo Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn xaqiiqada juqraafi iyo siyaasadeed.
Warbixintu waxay dib u xusuusisay in 1960-kii ay xoroobeen laba dal oo kala ahaa British Somaliland iyo Soomaaliya Talyaanigu gumaysan jiray, ka dibna Somaliland si mutadawacnimo ah ugu biirtay midowgii Soomaaliya Weyn, iyadoo dooddeedu ku dhisnayd in midowgaasi aanu helin ansixin sharci oo dhammaystiran. Waxa kale oo ay ka hadashay tacaddiyadii iyo duqayntii lagu sheegay in ay ka dhaceen dhulka Somaliland xilligii xukunkii Siyaad Barre, iyo burburkii soo gaadhay Hargeysa, ka hor intii aan Somaliland 1991 dib u dhisin dawladnimadeeda.
Gaba-gabadii, Eritrea Insight 2 waxay qadiyadda Somaliland ku soo koobtay su’aal ay u aragtay mid miisaan leh, dal shaqaynaya oo muddo dheer taagnaa goorma ayaa la aqoonsanayaa. Waxay intaas ku dartay in welwelka laga qabo “tusaale gobol” uu qayb ka noqday sababaha ay aqoonsigu dib ugu dhacayo, iyadoo Somaliland ku tilmaantay tusaale dal shaqaynaya oo aqoonsi la’aan ku jira.
Leave a comment