Latest News

Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Shaacisay Dad Cusub Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

Hargeysa, April 13, 2020 (Haatuf) – Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in saddex Qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid_19 ee faraha baas ku haya dalalka Caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Cumar Cabdi Cabdillaahi oo Shir-jaraa’id qabtay Goor dhawayd ayaa sheegay in Somaliland laga helay Saddex Qof oo qaba xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19.

Saddexda Qof ee xanuunka laga helay ayaa 2 ka mid ahi ku sugan yihiin Hargeysa, halka ka saddexaadna uu ku sugan yahay Boorama.

Somaliland waxa hore looga helay laba Qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco, saddexdan kalena waxay tirada Dadka uu gudaha Somaliland xanuunku ku soo ritay ka dhigaysa shan qof.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*