Latest News

Wasiir C/Qaadir Iimaan Oo Laba Ka Mid Ah Shaqaalihii Beeraha Intuu Wadada Ka Qaaday Saldhigga Ku Xidhay

Hargeysa,July 14,2023(Haatufonline)-Wasiirka Beeraha ee Somaliland Cabdulqaadir Iimaan ayaa shalay wadada hor marta Jaamacadda Alpha ku arkay laba ka mid ah shaqaalaha waaxada Fayodhawrka dabadeed intu baabuurkiisii ku qaaday ayuu saldhigga dhexe ku xidhay.Sidaas waxa noo sheegay Mr Sidiiq oo ka mid ah labada shaqaale ee uu wasiirku xidhay.
Wasiirka ayaa labada shaqaale ku qabsaday qalabka sunta kaneecada lagu buufiyo oo ay siteen xili ay ka yimaadeen guri shacabka ku yaala oo ay soo buufiyeen. Wasiirka ayaa labada shaqaale ku canaantay sababta ay wax usoo buufiyeen iyadoo aanay isaga fasax uga qaadan taasoo ay kaga jawaabeen inay fasaxa ka qaateen madaxda waaxdooda wasiirkana ay jaranjaro dheer oo maamul u kala dhaxayso oo aanay isa soo gaadhin.
Sida uu noo dheegay Sidiiqad kadib markii ay hadalkaas is-dhaafsadeen ayaa wasiir Iimaan labadii shaqaalaha buufinta ahaa ku yidhi gaadhiga soo fula dabadeed intu qaaday ayuu geey saldhigga dhexe waxaanu ku yidhi ii xidha labadan nin waa shaqaalehaygiiye dibna ugumuu soo noqon .
Wasiirka ayaan ka jawaabin markii aanu isku daynay in aanu arintan kala xidhiidhno.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*