Latest News

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Shaaciyey Inuu U Sharaxan Yahay Golaha Wakiilada

Laascanood, February 14, 2021 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa maanta si rasmi ah u Shaaciyey inuu u Tartami doono Xubin ka noqoshadda Golaha Wakiilladda ee la dooran doono 31-ka Bisha May kadib Markii Gobolka Sool ay gaadheen Wefti uu Hogaaminayo Wasiir Faratoon oo ay Wehelinayaan Wasiiradda Warfaafinta,Hawlaha Guud iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo la hadlay Bulsho weynta ku dhaqan Jiidaha ay mareen ee Gobolka Sool ayaa ugu bushaareeyay Shacabka ku nool Goboladda Sool, Buuhoodle iyo Sanaag in Kadib shirar ay aqoon yahanka Gobolkaasi yeeshay la go’aamiyey in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon uu u tartamo doorashadda Gollaha wakiilladda ee fooda inagu soo haysa si uu u Hogaamiyo golaha Cusub ee la dooran doono 31-ka Bisha may ee sannadkan Isla markaana ay Xukuumadda JSL ee uu Hogaamiyo Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ay ka go’an tahay ka dhabaynta in Wasiir Faratoon noqdo Gudoomiyaha golaha wakiilladda ee Ku soo bixi doona doorashadda soo socota.

Wasiir Koore waxa uu sheegay in Wasiirka amuuraha dibadda uu qaranka Somaliland waxtar badan soo geliyey waxaanu Shacab weynaha Goboladda bari ku booriyey inay Codkooda u hibeeyaan Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon.

Sidoo Kale Wasiirka Hawlaha Guud, iyo Guryaynta Mudane C.rashiid Ducaale Qanbi ayaa fursad taariikhi ah ku tilmaamay in Wasiir Faratoon la go’aamiyey inuu u Tartamo doorashadda gollaha wakiiladda si uu golahaasi u hogaamiyo.

Gabo gabadii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa u Mahadceliyey Bulsho weynta ku dhaqan gobolka Sool ee sida muga iyo Miisaanka leh Weftigiisa u soo dhaweeyay Waxaanu sheegay in Nuxurka socdaalkoodu salka ku hayo Cadaynta Mawqifkiisa ku wajahan u tartamida doorashadda gollaha wakiilladda si uu Gudoomiye ugu noqdo golaha cusub ee la dooran doono.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*