Latest News

Wasiirka Dekedaha Puntland Oo Sheegay In Iyaga Iyo Shirkadda DP- World Ay Fiintu Dhex-Miranayso, Madaxweyne Deni-na Dubai Ku Wajahan Yahay Bisha August

Garoowe, July 29, 2020 (Haatuf) – Wasiirka dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa maanta shaaciyay in shirkadda DP-world aanay wax shaqo ah ka qabanin tan iyo markii ay la wareegtay maamulka dekeda Boosaaso sanadkii 2017.

Wasiirka oo hortagay Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland ayaa u sheegay in shirkadda DP-world la qaadanayaan kulankii ugu dambeeyay oo lagu kala baxayo, kaasoo ah in shirkaddu billowdo balaarinta dekeda ama inay kusoo celiso gacanta maamulka Puntland.
Wasiirku wuxuu sheegay in madaxweyne Deni bisha August uu ku wajahan yahay dalka Imaaraatka, halkaas oo lagu qabanayo shir garnaqsi ah oo u dhexeeya Puntland iyo madaxda DP-world.
Ballantii ugu dambeeyay ee ahayd in dhismaha dekeda la billaabayo waxay ahayd bishii march ee lasoo dhaafay, hase yeeshee, shirkadda DP-world, waxay ku cudur daaratay cudurka Covid19 oo kala xidhay dunidii.
Wasiir Majiino ayaa xusay Puntland in aysan si fudud uga bixi karin heshiiskaan oo ah heshiis caalami ah, isagoo sheegay haddii ay ku degdegaan inay caqabado badan kaga imaan karaan.
Dhinaca kale, barlamaanka Puntland ayaa dib u dhigay dib u eegista heshiiskaan, iyagoo ka war sugaya kulanka Dubai iyo wixii kasoo baxa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*