Latest News

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Kormeeray Fadhiisimada Ciidanka Somaliland Ee Gobolka Selel

Lawyo-caddo (Haatuf) – Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), oo ay weheliyo hoggaanka hawl-galinta ciidanka qaranka JSL iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda gaashaandhigga ayaa u kuur galay hanaanka iyo xaaladda ciidanka qaranka JSL ee fadhiisimadoodu yahay deegaanka xeebta ee dhaca dhanka waqooyi ee kaasi oo uu habeenimadii xalay wasiirku kormeerkiisa ka bilaabay deegaanka Fuguxo oo ay dagan yihiin Ururka ciidanka qaranka ee HORSEED, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey taliyaha guutada 18aad ee ciidanka qaranka Gaashaanle Dhexe Baashe Fanax, iyo shacbiga deegaankaasi.

Geesta kale, Weftiga wasiirka oo safarkiisa sii watay ayaa subaxnimadii saaka waxa ay ku waa-beriisteen xarunta degmada Lug-haya ee fadhiisinka ciidanka qaranka Guutada 18aad, waxaana weftiga Wasiirka halkaas  ka jeediyeen khudbad ay ku dhiiri galinayaan askarta.

Ugu horayn, waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha Saldhigga 1aad ee ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Yuusuf  Iiman Diiriye waxaanu ku soo dhaweeyey waftiga wasiirka iyo hoggaanka hawl-galinta ciidanka qaranka JSL fadhiisinta ciidanka qaranka ee degmada Lughaya oo ay dagan yihiin Guutada 18aad ee ciidanka qaranka, waxaanu sheegay in ay ciidanka qaranku yahay laf-dhabarta Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay ku farax san yihiin kormeerka uu wasiirka gaashaandhigu ku yimid fadhiisinka ciidanka qaranka ee degmada Lug-haya.

Taliyaha hawlaginta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Axmed Hure Haariye oo la hadlayey Fadhiisimada Ciidanka Ee Fuguxo, Lug-haya iyo Lawyo-cado ayaa sheegay in uu salaam uga sido ciidanka qaranka JSL Taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani, waxa kale oo uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta soo kormeero xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka qaranku.

Geesta kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Maayirka Degmada Lug-haya iyo Gudoomiyaha gobolka Selel, kuwaas oo si isku mid ah u soo dhaweeyey waftiga wasiirka gaashaandhiga JSL ee  u kuur galaya xogogaal u noqoshada xaalada ciidanka qaranka JSL.

Gebo-gebadii, waxa halkaasi ka hadlay isaga oo maraya dhammaan saddexda goobood ee kala ah Fuguxo, Lug-haya iyo Bariisle (Lawyo-caddo) Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Cateeye(Fariid), oo si weyn uga mahad naqay ciidanka qaranka Jamuuriyada Somaliland oo uu ku tilmaamay madaalayaal hawlaha qaranka qayb libaaxle ka qaata waxa hadaladiisii ka mid ahaa’’ Waxaad tihiin geesiyaal qaranku ku faano oo qayb libaaxle ka qaatay dhisida iyo dhawridda Jamuuriyadda Somaliland waxaanan idinku amaanayaa sida wanaagsan ee aad uga shaqaysaan ilaalinta amniga iyo xoolinta xidhiidhka ciidanka iyo shacabka’’Ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateey(Fariid).

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*