Latest News

Wasiirkii Amniga Jubbaland Oo Ka Baxsaday Gacanta Dowladda Farmaajo

Muqdisho, (Haatuf)- Taliye ku xigeenka ciiddanka booliiska Soomaaliya Gen. Sakiya Xuseen, ayaa hadal ay kusoo qortay barteeda Twitter-ka waxa ay ku sheegtay inuu baxsaday wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan) oo muddo ku xidhnaa xabsi gaar ah.

Taliye ku xigeenka booliiska waxay sheegtay in ay hay’addaha amnigu ku raad joogaan soo qabashadiisa.

Wasiir Janan ayaa ku eedeysan inuu dambiyo kala duwan ka galay dad shacab ah, isagoo dhawaan lasoo taagay maxkamada gobolka Banaadir, si dacwadiisa loo dhegaysto.

Hase yeeshee dad badan ayaa su’aalo iska waydiinaya inuu xabsiga ka baxsado masuul heerkaas ahi sida ay suurtagalka u noqotay.

Baxsashadiisa ayaa kusoo beegantay waqti xasaasi ah oo ay dowladda federalka Soomaaliya isku diyaarinayso inay awood miltari kula wareegay dhul badan oo kuyaala jubbooyinka.

Dhawaan, madaxweynaha Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka inay wasiirka amniga u haystaan sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen inuu bedelo mabda’iisa Jubbaland, loona adeegsado dagaalka Jubbaland lagu hayo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*