Latest News

Waxyeeladda lagu Hayo Deegaanka Biyaha Koonfurta Badda Cas Iyo Khaliijka Cadan Yaa U Maqqan

Haatufonline,June 22,2023.
Meelo badan oo aduunka ah,gaarahaan dalalka caalamka sadexaad ee badda leh,waxa ashkati laga yahay doonyaha iyo maraakiibta ajaanibka ah ee sida sharci darada ah uga kaluumaysta biyaha badahooda.Waxa kale oo doonayaha iyo maraakiibtaasi ay u kaluumaystaan si baalmarsan shuruucda dunida uga taalaa in lagu ilaaliyo badqabka deegaanka uu kaluunku ku noolyahay isla markaana lagu xadeeyey tirada iyo xajmiga kaluunka lasoo daban karaa inta u leekyahay.
Boobka sharcidarada ah iyo waxyeelaynta lagu hayo deegaanka badaha waxay gaadhay heer ay maanta badaha aduunka dul sabaynayaan maraakiib waawayn oo kaluumaysata ah oo xambaarsan warshadihii kaluunka lagu qasacadaynayey iyo qaboojiyaashi lagu xafidayey kuwaasoo dadyowga ku nool xeebaha kala hoosbaxa ama waaysiiya shaqooyinkii iyo cuntadii ay kaluumaysiga ka heli lahaayeen waqtigan xaadirka ah iyo mustaqbalkaba
.
Hadii aynu eegno mandaqaddan Koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed khyaraadka ka sakow waxa ka jirta waxyeelo wayn oo xagga deegaanka badda hoostiisa iyo korkiisa ah taasoo ka dhalata waxyaabaha ka qubta ama ay ku daadiyaan biyaha badda maraakiibta tiradooda lagu qiyaasay tobanaanka kun ee sanadwalba isticmaala marinkaasi muhiimka ah. Runahaantii waxa loo baahanyahay in dawladaha mandaqadani ay iska kaashadaan sidii arntan wadajir ahaan wax looga qaban lahaa oo waliba ay Djibouti horseed uga noqon lahayd marka dadaalka caynkaas ah la galayo maa daama Sudan iyo Yeman dagaalo ka jiraan,Eritrea qudhideeduna ay wali colaado la suuxsantahay,Somaliland-na aan wali la aqoonsanayn.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*