Latest News

Weerar Cirka Iyo Dulka Ah Oo Lagu Dilay Hogaamiye Iyo 88 Alshabaab Ah Tuulada Juxaay

Muqdisho,December 16,2022(Haatufonline)-Weerar cir iyo dhul ah oo Khamiistii ka dhacay tuulada Juxaay oo ku taala gobolka Shabeellaha Dhexe Iyo Hoose ayaa khasaare laxaad leh lagu gaadhsiiyey kooxda Alshabaab. Sida uu sheegay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somalia Cabdulraxmaan Alcadaala waxa hawlgalkan fuliyey ciidamada Somalia oo ay ciidamada Turkigu ka taakulaynayaan dhinaca cirka iyadoo dagaalyahanada Alshabaab lagaga dilay in ka badan 88 xubnood oo isugu jira askar iyo hogaamiyaal ciidan oo u kamid ahaa Yuusuf Maxamad (JinGaab) oo Alshabaab u qaabilsanaa hanuuninta ,iyadoo isla markaana gacanta lagaga dhigay hub iyo saanad.

Warar dheeraad ah oo arintan ku saabsan oo aanu helnay ayaa noo xaqiijiyey in weerarkani dhacay xili ay ciidanka Alshabaab ku urursanaayeen tuulada Juxaay oo hoostimaadda deegaanka Guulane ee Shabeellaha Dhexe.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*