Latest News

Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Socdaal Ku Tagay Jigjiga

Boorama, October 17, 2021 (Haatufonline) – Wafti ka socda jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic isla Markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Ciyaaraha, Isgaadhsiinta ayaa galabta u ambabaxay Magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaanka Soomaalida, halkaas oo barri lagu dooran doono laguna caleemo saari doono Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda DDS ayaa waftiga si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada xadka ah ee Wajaale.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha ee Somaliland oo ku hadlayay magaca waftiga Somaliland ayaa Masuuliyiinta deegaanka uga mahadnaqay Soo dhawaynta diirran.
Intaasi kadib waxaa wafdiga si heer sare ah loogu galbiyay dhinaca magaalada Jigjiga.

Connect with us on Facebook