Latest News

Xaliimo British Oo Ka Mid Ah Qurbojoogta Somaliland Oo Xildh Barkhad Gudoonsiisay $20,000 Sacaado Ka Dib Markii Ay Khadiija Galgalato Sheegtay Inay Lacag Farmaajo Usoo Dhiibay Ay Kala Noqotay Barkhad.

Hargaysa,October 12,2021(Haatufonline)- Haweenay ka mid ah qurbojoogta Somaliland oo magaceeda loo yaqaan yahay Xaaliimo British ayaa jeeg $20,000 saaka guddoonsiisay Xildhibaan Barkhad Batuun saacaado ka dib markii gabadh ka tirsan xukuumadda Somalia oo loo yaqaan Khadiija Galgalato ay sheegtay inay la noqotay lacag $15,000 ah oo ay usoo diri lahayad xildhibaanka.
Xildhibaan Barkhad ayaa todobaadki hore dawladda Somaliland ku dhaliilay qaabkii ay magaalada Laascaanood uga saaratay dad reer Somalia ah oo dalka Somaliland sifo sharici darro ah ku joogay balse dawladda ku taageeray inay sugto ammaanka shacabka oo u sheegay inay xaq u leedaha.Isagoo arintaas ka hadlayana xildhibaan Barkhad wuxu yidhi “hadii Somalia aanay dan ka lahayn inay wax ka qabato dhiiga dadkooda ee maalin walba daadanaya annaga dhiigga dadka reer Somaliland dheemantanna wuu nagaga qaalisanyahay oo nabadgalyaadooda waanu ilaalinayana”.

Hadaba wasiir Khadiija iyo dad kale oo reer Somalia ah ayaanu cajabin hadalkaa Barkhad oo xildhibaanka ku dhaliilay iyagoo ka filayey inuu kasoo horjeedsado dalkiisa Somaliland oo uu waliba dhaleecayn huwiyo talaabo kasta oo dadka sharci darada dalka ku joogo lagaga saarayo.Khadiiji waxay sheegtay in qaadhaan ay Barkhad usoo ururisay oo gaadhaya $15000 ay kala noqotay iyadoo ku sababaysay hadalka Barkhad ee kor ku xusan inkastoo ilo xog ogaal ahi ay Haatufonline u xaqijiyeen in lacagtaasi uu usoo dhiibay Farmaajo oo ay ka mid aheyd cashuurta dadka reer Muqdisho laga qaado.Waana ta keentay in gabadha reer Somaliland ee Xaliimo British ay deg deg uga jawaabto oo ay Barkhad gaadhsiiso deeq jeebkeeda ah oo $20,000 ah.

Dadka reer Somaliland ayaa runti la yaabay siday qaar ka mid ah reer Somalia ay uga falceliyeen mawqifkaa Barkhad iyo sida ay waliba ugu mano sheegteen inay taageereen oo ay u ololeeyeen si uu doorashadii ugu guulaysto balse uu ka abaal daray iyadoo ay arintani noqotay mid baraha bulshada reer Somaliland lagaga maadaysto maa daama dadkii doortay Barkhad Batuun oo kor u dhaafay 20,000 cod ay ku noolyihiin caasimadda Somaliland ee
Hargeysa iyo guudahaanba gobolka Maroodijeex balse aanay jirin meel kale oo looga codeeyey.Qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee isticmaala baraha bulshadu ku kulanto ee internetka ayaa waxay is-barbar dhigeen codadka xildhibaanada Somalia lagu soo doorto oo qaar ka mid ahi ay kusoo baxaan 25 cod iyo wax ka yar halka madaxweynaha Somalia laftiisa lagu soo xusho 200 cod wax ka yar oo marka la isugeeyo tirada guud ee dadka soo doorta xildhibaabada 2 aqal ee baarlamanka iyo madaxweynaha Somalia ay ka tiro badanyihiin dadki u codeeyey xildhibaan Barkhad Batuun ee kor u dhaafay 20,000 kun kuwaasoo tiro ahaan u dhigma ama kaba badan dadka ku nool Garoowe.

Connect with us on Facebook