Latest News

Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Filayo In Mar Kale Loo Doorto Madaxweynaha Somalia

Muqdisho, May 15, 2022 (Haatufonline) -Wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo labada musharrax ee ugu codadka badan ay u gudbayaan wareegga ugu dambeeya ee doorashada.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay natiijada doorashada, waxayna sheegeen in Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 110 cod iyo madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, uu helay 83 cod ay una gudbeen wareegga saddexaad.

Waxaa wareegga labaad ku hadhay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo helay 63 cod iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni 68 cod.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wareegga labaad la yimid isbeddel, isagoo helay codadka ugu badan, wuxuuna wareeggii hore ahaa musharraxa saddexaad ee ugu codadka badan.

Ugu dambayn, wareegga saddexaad waxaa ku tartamidoona Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kuwaas oo sidoo kale doorashadii 2017 ahaa labadii musharrax ee wareegga ugu dambeeya ku tartamay, Farmaajana uu ku guulaystay.

Xasan Sheikh iyo Farmaajo midka ku guulaysta wareeggaan ayaa noqondoona madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Connect with us on Facebook