Latest News

Guddida Qabanqaabada Xuska 18-ka May Oo Amaro Soo Saartay

Hargeysa, May 16, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo ah gudoomiyaha guddida qabanqaabada xuska 18ka May ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay gaar ugu dabaal dagaan maalintan qaranimada Somaliland.

Sidan lagu sheegay war saxaafadeed uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa lagu sheegay si loo adkeeyo wadajirka, midnimada iyo degenaanshaha qaranka inay reeban tahay qabanqaabo kasta noocay doontò ha ahaatee.

Waxaaney u dhigneyd. “Hadaba si loo adkeeyo wadajirka, midnimada iyo daganaanshaha qaranka, waxaa reeban qaban qaabo kasta noocaynto ha ahaatee, oo aan ahayn qaban qaabada ay guddida heer qaran agaasintay”.

Connect with us on Facebook