Latest News

Xasilooni Darro Ayaa Ka Dhalan Doonta Hadii Somalia Madaxweyne Ama Rsiisal Wasaare Looga Dhigo Qof Reer Puntland Ah

Muqdisho July 1,2021(Haatufonline)- Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta magaalada Kismayo ee gobolka Jubaland ka bilaabay ololaha uu ugu jiro in uu ku guulaysto jagada madaxweynaha Somalia taasoo laga dhex dooran doono baarlamanka Somalia ee cusub bisha Oktoobar 2021.

Deni ayaa Kismaayo u tagay inuu xasiliyo codadka xildhibaanada labada aqal baarlamaan ee Jubaland  iyadoo codadka Puntland-na ay marka horeba jeebadda ugu jiraan.

Ololaha Deni ayaa intii hore oo dhan u socday si dadban oon la shaacinin laakiinse booqashada Kismaayo ee maanta ayaa si fiican daboolka uga qaadday hamiga ku jira Siciid Deni inuu haleelo madaxtinimada Somalia.Hasayeeshee duruufaha lagu jiro awgeed qof reer Puntland ah oo Somalia madaxweyne ama raiisal wasaare ka noqda waxa ka dhalan karta dhulbalaadhsi qabiil ku salaysan iyo cunfi aan  la mahadin oo ay Punland kula kacdo Jamhuuruyadda Somaliland ama gobolka Galmudug ee Somalia.

Sidaas darteed waxa haboon in laga taxadiro in baarlamanka,madaxweynaha iyo xukuumadda cusub ee Somalia dooran doonto bisha Aktoobar ee soo socotaa aanay noqon wax dadka uga dara oo u horseeda qalalaase iyo barakac cusub oo ka dhex dilaaca mandaqadda.

Connect with us on Facebook