Latest News

Xeer Ilaalinta Puntland Oo Codsatay Xasaanad Ka Qaadista Xildhibaan Su’aal Weydiiyay Madaxweyne Deni

Garoowe, (Haatuf) – Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamad Xareed oo ah ayaa sheegay in  Baarlamaanka ay u direen warqad ay ku codsanayaan in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad oo Sabtidii la soo dhaafay su’aal ku dhax weydiiyay Golaha Baarlamaanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Xeer ilaaliyaha ayaa su’aasha xildhibaan Daad ku tilmaamay mid baalmarsan qawaaniinta iyo sharciga dowlad gobolleedka Puntland, isaga oo yidhi” Waa hadallo qadaf ah oo uu ekeysiiyay su’aal oo uu su soo jeediyay golaha xukuumadda” ayuu yidhi Maxamed Xareed.

Su’aashii xildhibaan Daad uu weydiiyay madaxweyne Deni Sabtidii toddobaadka xili uu furmayay Kalfadhigii 45aad ee Baarlamaanka Puntland ayuu u dhigay siddan “Mudane Madaxweyne, waxaad xilka haysay sagaal bilood, wejiga dhabta  ah ee xukuumadda aad hoggaamisana waxaa la moodaa in uu ku jiro  maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedkaaga,” ayuu su’aashiisa ku  billaabay Xildhibaan Cawil oo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ka  dalbaday “in ay is casilaan”.

Xareed ayaa sheegay in haddii ay baarlamaanka aqbalaan dalabkooda xasaanad ka qaadi hor geyn doonaan xildhibaan Maxkamad si loogu soo oogo danbiga uu galay.

“Haddii baarlamaanku xasaanadda ka qaadaanna waan eedeyneynaa, waxaanna horgeyneynaa maxkamadda, wuxuuna la kulmayaa ciqaabta uu ka mudan yahay qodobbada uu u gefay”, ayuu hadalka kusii daray.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa Baarlamaanka isaga baxay isaga oo ka careysay su’aasha xildhibaanka kaddib jawaab kulul oo uu siiyay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*