Latest News

Xiisada Dagaal Oo Wali Ka Taagan Guriceel Iyo Maamulka Galmudug Oo Guulo Sheegtay

Guriceel, October 24, 2021 (Haatufonline) – Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in mar kale dagaal halkaas uu ka bilowday galinkii hore ee maanta, dagaalkaas oo u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Dagaalka ayaa ka socda agagaarka saldhigga booliiska degmada Guriceel, iyadoo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Magaalada ayaa dadku intooda badani ka qaxeen goor hore, iyadoo guryo badan oo qaarkood laga guuray ay ku dhaceen madaafiic habow ah.

Inta badan magaalada Guriceel waxay hadda gacanta ugu jirtaa ciiddanka dowladda oo magaalada jihooyin kala duwan kasoo galay.

Tiro badan oo dhimasho ah oo labada dhinac ah oo ay ku jiraan saraakiil ciiddan ayaa ku geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Guriceel, oo ahaa dagaal culus oo saacaddo badan socday.

Guddoomiye ku xigeenka Guriceel, Cabdishakuur Axmed Faarax, ayaa sheegay in ay magaalada ka saareen ciiddanka Ahlusunna ayna haatan wadaan howlgal sifayn oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu sheegay in ay gacanta ku hayaan maxaabiis badan oo katirsan Ahlusunna oo ka dagaalamayay guriceel, isagoo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay.

Connect with us on Facebook