Latest News

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadshay Go’aanka Fly Dubai Ku Joojisay Duulimaadyadeeda

Hargeysa, October 23, 2021 (Haatufonline) – Maareeyaha Hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland Cumar Sayid ayaa sheegay inay dib u qaabeeyeen duulimaadyadii diyaaraduhu ay dalka ku iman jireen, isla markaana diyaarada Fly Dubai ay siiyeen si la mid ah Diyaarada kale ee duulimaadyadavku yimaada Somaliland.

“Sidii aanu hore u sheegnay garoomada duulimaadyada ee Somaliland waxay u furan yihiin duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

Sidaa darteed, anaga oo doonayna in dadka Somaliland ay helaan adeeg hufan, waxaanu dib u qaabaynay ruudadkii duulimaadyada.

Waxa jira laba xili (seasons) oo kala ah Xagaaga oo duulimaadyadu badan yihiin iyo Jiilaalka oo duulimaadyadu ay hoos u dhacaan oo hada aynu galnay.

Waxaanu siinay diyaarada Fly Dubai si la mid ah diyaaradaha kale laba duulimaad, balse shirkada Fly Dubai ayaa nagu soo celisay, in maadaama oo aad laba duulimaad na siiseen, waxaanu joojinay duulimaadyadii aanu dalja ku iman jirnay. Waana go’aan iyaga u gaar ah.

Dawlad ahaan, Mar walba waanu soo dhawaynaynaa” ayuu yishi Maareeyaha Duulimaadyada iyo Madaarada Somaliland.

Connect with us on Facebook