Latest News

Xogo qarsoonaa oo muujinaya in Turkigu Somalia ka fuliyey 30 duqaymood oo qaarkood dad rayid ahi ku dhinteen

Haatufonline,July 25,2026

Waxa soo ifbaxaya xogo qarsoonaa oo muujinaya in laga bilaabo sanadkii 2022 uu ciidanka Turkigu ugu yaraan 30 duqaymood oo lala beegsaday maleeshiyada Alshabaab ka fuliyey Somalia. Duqaymahan oo la sheegay in qaarkood ay ku dhinteen dad rayid ahi ayaa intada badan warar kusoo saabsan loo soo bandhigin dadweynaha iyadoo ay dawladaha Somalia iyo Turkigu si joogto ah uga gaabsadaan inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan kalinta Ankara ee hawlgalada militari ee ka dhaca Somalia.

Hasayeeshee waxa dhawaan arintan xogo cusub ka ururiyey wargeyska Long War Journal ,kaasoo sheegay in Turkiga lala xidhiidhin karo 30 duqaymood oo ay gudaha Somalia ka fuliyeen diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayn iyo waliba diyaaradaha F-16 oo uu Turkiga dhawaan u adeegsaday qaar ka mid ah duqaymahaasi ,balse ay tirada duqaymuhu intaas ka badnaan karaan. Wargeysku wuxu sheegay in xogtan ay la wadaageen saraakiil ka tirsan ciidanka Somalia iyo hayado sirdoon oo ajaanib ah iyo waliba warbixinno hore oo tilmaamay in Turkigu madaarka Muqdisho si toos ah uga maamulo duulimaadyada diqaymaha cirka ee diyaaradahiisu ka fuliyaan Somalia balse aanay duuliyeyaal Soomaali ahi waxa shaqo ah ku lahayn.

Tusaale ahaan warsaxaafadeed ay wasaaradda difaaca Somalia soo saartay dabayaaqadii June,waxay ku sheegtay in hawlgal uu ka taageerayo Turkigu oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen 35 xubnood oo ka tirsan Alshabaab. Hasa yeeshee nuqulkii dambe ee warsaxaafadeedka waxa laga saaray Turkiga,waxaana lagu sheegay in hawlgalka ay ciidanka Somalia ka taageereen “saaxiibbo caalamiga ah”Laakiin qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga iyo kuwa caalamiga ah oo xiganaya warsaxaafadeedkii wasaaradda ayaa sheegay in duqayntaas ay fuliyeen diyaaradha F-16 ee Turkiga iyadoo siyaasiin ka tirsan dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ay xiliga sheegeen in duqaynta lala beegsaday maleeshiyo aan ka tisanayn Alshabaab balse mucaarid ku ah maamul uu madaxweynaha Somalia ee Xasan Sheekh usoo dhisay Koonfur Galbeed.

Ciidamada Afrikom ee Maraykanka ayaa iyagu warsaxaafadeed kasoo saara duqayn kasta oo ay la beegsadaan Alshabaab, halka Turkiga iyo dawladda Somalia ka gaabsadaan in la sheego kaalinta Turkiga ee hawlgalada duqaynta. Hasa yeeshee hadii dawladda Somalia sheegto hawlgal ay ka taageereen “saaxiibbo caalami ah” ,balse Africom uusan xaqiijin wax duqeyn ah oo ka dhacday goobtaas iyo waqtigaas, waxa suuragal ah in saaxiibka la tilmaamaya uu yahay Turkiga. Arintan ayaa ka duwan sida daahfurnaanta leh ee labada dawladood ee Somalia iyo Turkigu uga hadlan hawlaha kale ee Turkigu ka wado Somalia, sida ciidamada Somalia ee lagu tababaro saldhigga Turksom . Hayadda Amnesty International ayaa sanadkii 2024 sheegtay in ugu yaraan 23 qof oo rayid ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo lagu eedeeyay diyaarad aan duuliye lahayn oo Turki ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*