Latest News

Xubno Ka Tirsan Amniyaatka #Alshabaab Oo Kismaayo Lagu Qabqabtay Qaar Kalena Lagu Dabajiro.

Kismayo,October 18,2021(Haatufonline)-Xubno ka mid ah ciidanka Amniyaatka ee kooxda Alshabaab ayaa todobaadkan lagu qabqabtay magaalada Kismayo gudaheeda.War kasoo baxay Jubaland ayaa waxa lagu sheegay in ciidanka nabadsugidda Jubaland ay xubnahaasi ka tirsan Alshabaab gacanta ku dhigeen kadib markii ay hawlgalo balaadhan oo lagu sugayo ammaanka ka bilaabeen Kismayo gudaheeda iyo hareeraheedaba isla markaana u hawlgalkaasi wali socdo iyadoo xubno kalena lagu dabajiro.

Amniyaatka ayaa ka kooban shabakad balaadhan oo Alshabaab u qaabilsan basaasnimada iyo sugitaanka amaanka ururka waxaanay dadweynaha kasakow daadsantahay ilaa hayadaha dawladda si xogaha u helaan waxaanay inta badan ku dhex noolyihiin dadka shicibka ah.

Jubaland waxa kale oo ay sheegtay inay dhawaan warbaahinta iyo shacbkaba la wadaagi doonaan macluumaad dheeraad ah oo arintan ku saabsan.
Waxa baryahan dambe isa soo taraysa tirada xubnaha kooxda Alshabaab ee isa soo dhiibaya ama ay ciidamada dawladdu gacanta ku dhigayaan.

 

 

 

 

 

Connect with us on Facebook