Latest News

Xudur Oo Go’doomintii Mudada Dheereyd Laga Qaaday Ka Dib Markii Maanta Ciidamadii #Alshabaab Laga Caydhiyey Deegaanadi Ku Xeernaa.

Baydhaba,November 17,2021(Haatufonline)-Ciidamada dawlad deegaanka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa dagaal culus oo maanta dhacay kooxda Alshabaab kala wareegay tuulooyin ku xeerran magaalada Xuduur oo ay fadhiisimo ku lahaayeen.
Hawlgalkan ay ciidamada Koonfur Galbeed maanta fuliyeen waxay Shabaabka kagala wareegeen tuulooyinka Gomori,Aboore,Banjinaay iyo Doonfuul taas keentay in maalada Xudur laga kor qaado go’doomintii mudada dheer saarneyd ee Alshabaabu kusoo rogeen ka dib markii ay qabsadeen jidadka ka baxa ama soo gala Xudur.

Connect with us on Facebook