Latest News

Xuquuqda Ma Yeedhaanka Magaalooyinka Ku Dhaqqan

By Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray

Haatufonline July 21,2023 –

Marka la soo qaado, xayawaanka ma yeedhaanka ah ee inala dhaqan daryeelkooda, dad ayaa markiiba yidhaahda, “waar dadkiibaaba qaar badani darxumaysanyihiin oo baahanyihiin, adna xayawaan iyo dugaag ayaad ka hadlaysaa”

Waa run oo waa in dadka baahan iyo masaakiinta aynu ka war haynaa sida diinteenu ina fartay. Hadana xuquuq oo dhan in aynu ilaalino weeye.

Ubadkeena kuma tababarno in ay u naxariistaan ma yeedhaanka dalka inagula dhaqan, gaar ahaan ayda iyo bisadaha iwlm.
Darxuma badan ayaa ka muuqata ayda dalka ku dhaqan, oo caruurtu intaa dhagax ayay la dhacaan iyaga oo meelahaa iska hurda. Waxa ay aydu isku daydaa in ay ku ururto meelo dadka waawayni ka arkayaan, si ay caruurta uuga celiyaan, hadana intaa waa ay dhiban yihiin. Aydu garanwayday nijaas ayaad tahay oo waa lagu necebyahay, ee duur joog iska noqo. Inana garan waynay xuquuqdooda iyo daryeelkooda. GAAR AHAAN DAWLADA HOOSE. Aydu Waa ma yeedhaan Ilaah u abuuray in ay dadka la noolaadaan.

Waxa uu soo wariyay imaam BUKHAARI, IN QOF AY HARAADAN WARAABIYAY ILAAHAY JANADA GEEYAY. SIDOO KALE WAXA UU BUKHAARI SOO WARIYAY IN XILIGII NABIGA SCW AY AYDU DHEXMARMARI JIRTAY MASJIDKII RASUULKA SCW OO AAN LAGA RUSHAYN JIRIN.

Waynu ognahay oo barigaa masaajidku dhul caadiya oo aan KAARBAT IYO SIJAAYADO oolin ayuu ahaa.

Kolayba aygu waa xayaan dadka la dhaqan, markaa dhammaan ma yeedhaanka aynu ilaalino una wada naxariisano, sidaasi waxa aynu ku helaynaa naxariista Ilaahay eh.
Ubadkana waa in dugsiyada loogu dhigaa daryeelka iyo naxariista xayawaankaa qolqol-joogta ah ee inala dhaqan sida, ayda, dameeraha, bisadaha iwlm.

Khayrka Alle ha ina waafajiyo.

(Waxan ka tagay kaadidii ayda oo xadiiskaa ku timid, si aan dadka qaar uugu dawakhin).

Wa bilaahi tawfiiq.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*