Latest News

Alshabaab oo laga dilay laba hogaamiye oo kala ah Abu Usaama iyo Mustafe Caato

Haatufonline,February 25,2026

Ciidanka sirdoonka Somalia oo la kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah ayaa todobaadkii u dambeeyey qaaday ugu yaraan afar weerar oo duqayn ah oo lala beegsaday maleeshiyo ka tirsan ururka Alshabaab oo ku sugnaa gobolada Hiiraan,Shabeellaha Dhexe iyo Jubada Dhexe.
Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray sirdoonka Somalia(Nisa),waxa ka mid ahaa meelaha ay hawlgaladani ka dhaceen Waab-Weyn iyo Goobo oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ,halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Mustafe Caato iyo xubno kale oo la socday.
Dhinaca kale waxa tuulooyin ku yaala deegaanka Maxaa Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyana lagu dilay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ,kuwaas oo la weeraray xili ay isku urursanayeen dhulka hawdka ah.

Waxay ahayd dhawaan markii hawlgal si gaar ah loo qorsheeyey oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe lagu dilay Maxamad Sahal Iidle oo magaciisa afgarashadu ahaa Abu Usaama,kaasoo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan Alshabaab oo ay isku dhawaayeen Amiirka guud ee Alshabaab Axmad Diiriye isla markaana loo diyaarinayey inuu beddalo madaxii qaybta maaliyadda ee Alshabaab Cabdillaahi Wadaad oo isna la dilay bishii hore.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*