War kasoo kordhay afduubkii doonida Iiraanta ee ku fashilmay xeebta Eyl.
Haatufonline,March 1,2026
Koox budhcad-badeed ah oo 27 February 2026 ku fashilantay inay gacanta ku dhigaan dooni la sheegay inay ahayd nooca kaluumaysiga oo dalka Iiraan laga leeyahay ayaa waxa isku daygi qafaalashada kaga dhintay hal qof,halka laba kalena kaga dhaawcmeen,kadib markii ay iska caabin xoog leh kala kulmeen dablay hubaysan oo saarnayd doonida ay weerareen.
Hasayeeshee waxa dhacdadan kasoo kordhay maclumaad cusub oo sheegaya in dablayda saarnayd doonida reer Iiraan ay ahaayeen Soomaali. Laash yar ayaa badda kasoo soo qaaday maydki ninka dhintay iyo labada dhaawacmayba oo keenay magaalada Eyl, hasayeeshee budhcad badeedda oo tiradoodu dhamayd toban qof ayaa todabadii kale aan wali laga warhaynin meel ay ku dambeeyeen.
Hadaba qaar ka mid ah dadka ku nool Eyl oo waxa laga weydiiyey dablayda Soomaalida ah ee saarnayd doonida Iiraanta ayaa sheegay in aanay kasoo jeedin deegaankooda isla markaana ay tahay arin ugub ah oon hore u dhicin in dad Soomaali ah oo hubaysan loo adeegsado ilaalinta doonyaha shisheeyey ee sida sharci darada ah uga kaluumaysta xeebaha Somalia. Laakiin ilo u dhuun daloola sirdoonka gobolka oo arintan wax laga weydiiyey ayaa waxay sheegeen in inkastoo aanay doonidan Iiraanta xog gaar ah ka haynin, balse aanay la yaabsanayn dablayda Soomalida ah ee saarnayd maa daama u baryahan dambe soo kordhayey iskaashi sadex geesood ah oo u dhaxeeya Xuutiyiinta ay Iiraan isku xulafada yihiin ,faraca Alqaacida ee Yemen iyo Alshabaab, iyadoo sadexda dhinac ku heshiiyeen inay iska taakuleeyaan dhinacyada tababarka ciidanka iyo tahriibta hubka,mukhadaraadka iyo badeecadaha kontarabaanka ah.
Leave a comment