Latest News

Qalabka gantaalaha oo Xuutiyiinta looga tahriibiyo Geeska iyo Bariga Afrika intii lagu mashquulsanaa dagaalka Iiraan

Haatufonline,April 13,2026

Ilo wareeyo maxali ah iyo xogo dheerad ah ayaa sheegaya inay soo kordheen hawlgallo lagu tahriibinayo qalab xasaasi ah oo lagu farsameeyo gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka, kuwaas oo Bariga iyo Geeska Afrika looga gudbiyo kooxda Xuutiyiinta,xilli indhaha caalamku ku mashquulsan yihiin colaadda Iiraan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in Xuutiyiintu ay muddadii u dambaysay heleen shixnado isdaba-joog ah oo ka yimid Shiinaha, kuwaas oo ay ku jiraan qalab farsamo iyo walxo loo adeegsado barnaamijka hubka casriga ah ee Xuutiyiinta. Shixnadahan ayaa la sheegay in lagu kala wareejiyo shabakado tahriibeed oo ka hawlgala dekedo ku yaalla Kenya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea, ka hor inta aan la gadhsiinin xeebaha Yemen ee ku teedsan Badda Cas.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in hawlgalladani aanay ahayn “dhacdooyin googoos ah”, balse ay qayb ka yihiin nidaam tahriibeed oo si heer sare ah loo qorsheeyey iyado laga faa’iidaysanayo meelaha kormeerku ka jilicsan yahay iyo mashquulka caalamka ee ku aadan dagaalka Iiraan .
Waxaa la sheegay in konteenarrada la kala furo marka ay gaadhaan dekedaha gudbinta, dabadeedna wixii ku jiray iyagoo qaybo yaryar ah dib loogu raro doonyo maxalli ah si looga qariyo ciidamada caalamiga loona gaadhsiiyo dekedaha Al-Saliif iyo Ra’s Ciise, oo Xuutiyiintu maamulaan.

Qaybta ugu badan ee hawlgalka qalabkan casriga ah loogu tahriibiyo Xuutiyiinta ayaa sida la sheegay laga fuliyaa gudaha Soomaaliya iyadoo ay fududeeyaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xidhiidh la leh ciidamada Iran (IRGC) iyo sidoo kale shabakado hubka sharci darada ah ka ganacsada.
Ilo la hadlay warbixintan ayaa ku dooday in wada-shaqayntani ay ka dhalatay isku danaysi ka dhaxeeya kooxo hubaysan iyo shabakado dambiyeed xuduudaha ka tallaaba.

Dadka xaaladda la socda waxay qabaan in korodhka tahriibkani uu la jaanqaaday mashquulka quwadaha caalamku ku mashquulsanyihiin xiisadda Iiraan, taas oo Xuutiyiinta siisay fursad ay ku ballaadhiyaan awooddooda saadka iyo hubka, iyadoo uu hoos u dhacday feejignaantii lagu hayey marinada tahriibka ee Badda Carabta, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Warbixintu waxay xustay in xeebaha Puntland ay hore u ahaayeen meel muhiim ah oo tahriibta hubku ka gudbo si Yemen loo gaadhsiiyo. Hase yeeshee, xogaha hadda soo baxaya waxay muujinayaan in shabakaddani ay ballaadhisay marinnada, oo ay u kala baxday xeebaha Bariga Afrika iyo guud ahaan Geeska Afrika, taas oo lagu tilmaamay tallaabo cusub oo tayadeed oo ku wajahan taakulaynta la gaadhsiiyo Xuutiyiinta.
Falanqeeyayaal amni ayaa ka digay in haddii hawlgalladan aan si wax-ku-ool ah loo xannibin ay keeni karaan xoojinta awoodda weerar ee Xuutiyiinta, taas oo halis gelin karta amniga maraakiibta caalamiga ah ee Bab al-Mandab iyo Badda Cas.

Dhanka kale, ilo milatari oo Yemen ah ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay ciidan kusoo tuileen xeebaha Xudayda, oo ay ku jiraan cutubyo dagaal, nidaamyo gantaallo, diyaarado drone ah, iyo sidoo kale miinooyinka dhulka iyo badaba, iyadoo arrintani ku soo beegantay xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ee la xidhiidha dagaalka Iiraan.
Wararkaasi waxay intaas ku dareen in la qoday dhufayso ballaadhan oo ku fidsan masaafooyin dhaadheer, kuwaas oo isku xidha goobaha dambe iyo xeebta Badda Cas, si loo adkeeyo awoodda difaac iyo weerar ee Xuutiyiinta.

Sarkaal milatari ayaa ka digay in ku dhowaad hal milyan oo rayid ah oo ku nool Xudayda ay halis ugu jiraan in ay ku dhex go’doomaan oo Xuutiyiinta u adeegsadaan gaashaan ay iskaga dhigaan dadkaasi hadii lasoo weeraro

Warbixintu waxay tilmaantay in dhaq-dhaqaaqyadan ay ku soo beegmayaan hadallo kasoo baxay Iiraan oo ay ku hanjabayaan inay xidhi doonaan marinka Baabal Mandeb taasoo loo fahmay in Xuutiyiinta oo isku xulifo yihiin u fuliyaan arintaas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*