Diyaargarowga Xuska Qaranka ee 18 May oo guud ahaan Somaliland ka muuqda
Hargeysa, May 10, 2026 –
Waxa guud ahaan degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka socda u diyaar-garowga Xuska 18 May. Hawlahaas oo la xidhiidha qurxinta, abaabulka munaasibadaha iyo xoojinta wacyigelinta bulshada, si xusku u noqdo mid muujinaya qarannimada iyo wadajirka Somaliland.
Sannadkan waxa la tilmaamay in xusku yeelan doono miisaan ka duwan kuwii hore, maadaama uu dalku helay aqoonsi, taas oo kor u qaaday ka-qaybgalka shacabka.
Leave a comment