Madaxweynaha Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Israa’iil
Haatufonline — 14 June, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saxaafadda kula hadlay Qasriga Madaxtooyada Israa’iil, kaddib markii isaga iyo weftigiisa halkaas loogu sameeyey soo dhawayn ballaadhan. Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Madaxweyne Isaac Herzog, dawladda Israa’iil iyo shacabka dalkaasi, maamuuska iyo qaabilaada loo fidiyey.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in booqashadani muujineyso qaddarinta iyo ixtiraamka ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, waxaanu tilmaamay inay bilaw u noqonayso marxalad cusub oo labada dhinac ku wada dhisan doonaan saaxiibtinimo, iskaashi iyo dano-wadaag.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil, gaar ahaan iskaashiga amniga, horumarka, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo fursadaha labada dhinac anfacaya.
Leave a comment