Latest News

Safiirka Somaliland Ee Israa’iil Oo Xasan Sheekh Uga Digay Hadallo Khatar Gelin Kara Xasilloonida Gobolka

Haatufonline — 14 June, 2026

Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Hagi, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo taabanayey Somaliland iyo suurtagalnimada adeegsiga awood ama taageero dibadeed.

Safiirku waxa uu hadalkaasi ku tilmaamay mid khatar ah oo keeni kara khasaare iyo xiisad cusub oo ka dhalata Geeska Afrika. Waxa uu sheegay in fikirka ah in awood shisheeye lagu garab siiyo Xasan Sheekh ay tahay isku day lagu waxyeellaynayo Somaliland, aanayna waafaqsanayn nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Maxamed Hagi waxa uu sheegay in Somaliland leedahay hay’ado amni, awood difaac iyo saaxiibo caalami ah oo ka hortagi kara cid kasta oo isku dayda inay waxyeesho amniga iyo jiritaanka Somaliland.

Safiirku waxa uu sheegay in Somaliland ka feejigan tahay wax kasta oo halis gelin kara amnigeeda, isla markaana ay diyaar u tahay inay iska difaacdo cid kasta oo danta qarannimadeeda khatar ku ah.

Waxa uu xusay in cid kasta oo isku dayda inay huriso colaad ama ku xadgudubto amniga Somaliland ay la kulmi doonto jawaab u dhiganta. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay weli ku taagan tahay nabad, wada-noolaansho iyo iskaashi ku dhisan danaheeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraysi ku sheegay in muddo 35 sannadood ah aan lagu guulaysan in Somaliland lagu soo celiyo wada-hadal.

Hadalladan ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweynaha Somaliland socdaal ku tagay wadanka Israa’iil, iyadoo ay halkaas hore ugu sugnaayeen madax iyo masuuliyiin ka socota Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*