Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Qabatay Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Iyo Maaraynta Xumadda Dengue Fever
Haatufonline โ 03 August, 2026
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, gaar ahaan Waaxda Gargaarka Degdegga ah, iyadoo kaashanaysa Hayโadda Bisha Cas, ayaa qabatay tababar ku saabsan Habraacyada (Guidelines) Ka Hortagga iyo Maaraynta Xumadda Dengue Fever.
Tababarkan, oo uu si rasmi ah u furay Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Gargaarka Degdegga ah, Mudane Ibraahim Cabdillaahi Maxamed, ayaa waxaa ka faaโiidaystay in ka badan 20 hawl-wadeen caafimaad oo ka kala socday dhammaan gobollada dalka. Ujeeddadiisu waxay ahayd kor u qaadista aqoonta iyo hirgelinta habraacyo mideysan oo lagu xoojinayo ka hortagga, ogaanshaha iyo maaraynta xanuunka Dengue Fever.
Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa ku dhiirrigeliyay ka-qaybgalayaashii tababarka inay aqoonta ay korodhsadeen gaadhsiiyaan hawl-wadeennada caafimaadka ee gobolladooda, si loo xoojiyo u diyaargarowga iyo ka jawaabista xanuunkan, loona yareeyo saamaynta uu ku leeyahay bulshada.
Leave a comment