Latest News

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Qabatay Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Iyo Maaraynta Xumadda Dengue Fever

Haatufonline โ€” 03 August, 2026

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, gaar ahaan Waaxda Gargaarka Degdegga ah, iyadoo kaashanaysa Hayโ€™adda Bisha Cas, ayaa qabatay tababar ku saabsan Habraacyada (Guidelines) Ka Hortagga iyo Maaraynta Xumadda Dengue Fever.

Tababarkan, oo uu si rasmi ah u furay Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Gargaarka Degdegga ah, Mudane Ibraahim Cabdillaahi Maxamed, ayaa waxaa ka faaโ€™iidaystay in ka badan 20 hawl-wadeen caafimaad oo ka kala socday dhammaan gobollada dalka. Ujeeddadiisu waxay ahayd kor u qaadista aqoonta iyo hirgelinta habraacyo mideysan oo lagu xoojinayo ka hortagga, ogaanshaha iyo maaraynta xanuunka Dengue Fever.

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa ku dhiirrigeliyay ka-qaybgalayaashii tababarka inay aqoonta ay korodhsadeen gaadhsiiyaan hawl-wadeennada caafimaadka ee gobolladooda, si loo xoojiyo u diyaargarowga iyo ka jawaabista xanuunkan, loona yareeyo saamaynta uu ku leeyahay bulshada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*