Latest News

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Qabatay Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Iyo Maaraynta Xumadda Dengue Fever

Haatufonline — 03 August, 2026

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, gaar ahaan Waaxda Gargaarka Degdegga ah, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Bisha Cas, ayaa qabatay tababar ku saabsan Habraacyada (Guidelines) Ka Hortagga iyo Maaraynta Xumadda Dengue Fever.

Tababarkan, oo uu si rasmi ah u furay Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Gargaarka Degdegga ah, Mudane Ibraahim Cabdillaahi Maxamed, ayaa waxaa ka faa’iidaystay in ka badan 20 hawl-wadeen caafimaad oo ka kala socday dhammaan gobollada dalka. Ujeeddadiisu waxay ahayd kor u qaadista aqoonta iyo hirgelinta habraacyo mideysan oo lagu xoojinayo ka hortagga, ogaanshaha iyo maaraynta xanuunka Dengue Fever.

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa ku dhiirrigeliyay ka-qaybgalayaashii tababarka inay aqoonta ay korodhsadeen gaadhsiiyaan hawl-wadeennada caafimaadka ee gobolladooda, si loo xoojiyo u diyaargarowga iyo ka jawaabista xanuunkan, loona yareeyo saamaynta uu ku leeyahay bulshada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*