𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐮𝐫𝐛𝐚-𝐣𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Haatufonline — 03 August, 2026
Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u furay Toddobaadka Qurba-joogga Jamhuuriyadda Somaliland oo ah munaasabad Qaran oo loogu talagalay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Qaranka iyo Qurba-joogga, laguna xusayo kaalinta lama illaawaanka ah ee ay Qurba-jooggu ku leeyihiin dhismaha, horumarka iyo difaaca jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbad qaran oo qoto dheer, taasi oo xambaarsanayd mahadnaq, dhiirrigelin iyo dardaaran.
Madaxweynuhu waxa uu si cad u qiray in Qurba-joogga Somaliland ay yihiin laf-dhabarta guulo badan oo dalku gaadhay, isla markaana ay door muhiim ah ku lahaayeen marxalad kasta oo uu Qaranku soo maray.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u bogaadiyey kaalintii lama illaawaanka ahayd ee ay Qurba-jooggu ka qaateen halgankii dib-u-xoraynta dalka, iyaga oo codkooda, dhaqaalahooda, aqoontooda iyo dedaalkooda u huray dib-u-soo-celinta karaamada iyo xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta weyn ee ay Qurba-jooggu ku lahaayeen dib-u-dhiska Qaranka, kaddib burburkii magaalooyinka iyo barakacii loo geystay shacabka Somaliland. Waxa uu sheegay in Qurba-jooggu ahaayeen laf-dhabarta dib-u-soo-nooleynta adeegyada aasaasiga ah, dhismaha Hay’adaha Qaranka, kobcinta dhaqaalaha iyo adkaynta nabadda iyo xasilloonida ay Jamhuuriyadda Somaliland maanta ku naaloonayso.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay in Qurba-jooggu ay hormuud ka yihiin maalgashiga dalka, fursadaha shaqo abuurka iyo abuurista adeegyada bulshada, iyaga oo door muuqda ka qaatay horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha taasi oo si toos ah saldhig ugu noqotay horumarka maanta ka muuqda Qaranka JSL.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si weyn u ammaanay dedaalka joogtada ah ee ay Qurba-joogga Somaliland ugu jiraan ictiraaf-raadinta iyo kor u qaadista qaddiyadda Somaliland ee fagaarayaasha caalamka. Waxa uu tilmaamay in Qurba-jooggu yihiin codka ugu saamaynta badan ee dunida u gudbiya xaqiiqada Somaliland, dimuqraadiyaddeeda, nabaddeeda iyo xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin in ay dunida ka helaan aqoonsi caalami ah oo ay mudan yihiin.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in Qurba-joogga Somaliland aan lagu qiimayn karin kaalintooda dhaqaale oo keliya, balse ay yihiin hanti qaran oo lama huraan ah, maadaama ay dalkooda ugu hagar baxeen aqoontooda, xirfaddooda, hal-abuurkooda, khibradda iyo waayo-aragnimadooda taasi oo laf-dhabar u noqotay qorshayaasha horumarineed iyo dhismaha Hay’adaha casriga ah ee Qaranka JSL.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumaddiisu ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay Qurba-joogga Somaliland ee daafaha dunida, iyada oo la abuuri doono jawi dhiirrigelinaya maalgashiga, dib-u-soo-noqoshada aqoonyahanka iyo ka-qaybgalka bulshada Qurba-joogga ee horumarinta dalka iyo hirgelinta himilooyinka Qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Qurba-joogga Somaliland ay yihiin hanti Qaran, safiirrada JSL ee daafaha Caalamka, kaydka aqoonta iyo waayo-aragnimada halbawlaha u ah horumarka dalka isla markaana ay ku suntan yihiin guulaha uu gaadhay Qaranka JSL iyo kuwa uu hiigsanayo mustaqbalka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada Qurba-joogga kula dardaarmay adkaynta midnimada dhexdooda, ka qayb-galka dedaallada nabadda iyo sii xoojinta kaalinta soo jireenka ah ee ku leeyihiin ictiraaf raadinta iyo ku adkaanshaha Diinteenna Suubban iyo dhaqankeenna qaniga ah.
Leave a comment