Latest News

Xaafadda Shirkoole Oo Noqotay Xarunta Kacdoonka Xamar

Muqdisho,April 18,2021(Haatufonline)-Waxa caawa Xaafadda Shirkoole ee Muqdisho ka bilaabmay mudaaharaad cusub oo lagaga soo horjeedo kooxda Farmaajo ee 12kii bishan iskeed u koradhsatay mudo xileed sharci darro ah oo ay doonayso inay ku sii haysato kooxdaasi talada dalka Somalia.

Hadaba Xaafadda Shirkoole ayaa tan iyo intii uu saldhig ka dhigtay taliyihii bilayska Xamar Saadiq Joon ee uu ciidankiisa halkaas soo dagay waxay xaafadaasi noqotay xarunta kacdoonka maalmahanba kasocday magaalada Xamar ee lagu diidanyahay kooxda Farmaajo.

Ciidanka Farmaajo ayaa wali ku dhici la’ inuu weerar ku qaado ciidanka Saadiq Joon oo marba marka kasii dambaysa xoogaysanaya oo rag hubaysani ku biirayaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*