Latest News

Beelaha Hawiye Oo Qaybsaday Ciidankii Ay Farmaajo Iskaga Difaaci Lahaayeen

Muqdisho,April 17,2021(Haatufonline)-Beelaha Hawiye oo ka diyaargaroobaya iska horimaad dhex mara iyaga iyo ciidamada kooxda uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee  Somalia Maxamad Cabdilaahi Farmaajo ayaa qaybsaday ciidankii ay iskaga difaaci lahaayeen weeraro la sheegay in Farmaajo damacsanyahay inuu kusoo qaado beelaha Hawiye ee magaalada Xamar deggan.Waxaanay Hawiye ciidankii difaacooda u qaybsadeen sidan:

1-Abgaal        (10,300 Milatery+Bilays+Shacab)
2-Habargidir (9,600    Milatery +Bilays +Shacab)
3-Muruursade  (5,000    Milatery +Bilays +Shacab)
4-Xawaadle   (2,200   Milatery  +Bolice +Shacab)
5-Duduble      (1,020   Milatery  +Bilays +Shacab)
6-Gaaljecel       (980      Milatery  +Bilays +Shacab)
7- Shiikhaal ( 900   Milatery + Bilays+ Shacab)
8- Baadicade ( 800 Milateey +Bilays+ Shacab)

Inkastoo sida laxsheegay ay jiraan ardaayo kale oo wali liiskoodi laga sugaayo,  guud ahaan ciidanka hada diyaarsan waa (30,020 askari)

Waxaa kalo Xisaabta ku jirin shacabka muqdisho oo badankooda la filaayo inay beelaha Hawiye soo raacaan hadii iska horimaad dhaco.

Dhinaca kale ciidamada kooxda Farmaajo ayaa ayaa waxay ka kooban yihiin  Haramcad oo 900 Askari ah iyo
Gorgor oo 3,000 askari ah.Isugeyn 3,900 askari oo qaarkood aanay kooxdu isku hubin.

Eeg sawirka dhufaysyada Sadiq John ka qoday xaafadda Shirkoole

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*