Latest News

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐊𝐨𝐦𝐢𝐬𝐡𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐤𝐚𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐂𝐨𝐝𝐛𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚.

Haatufonline — 06 July, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, kulankaasi oo lagaga arrinsanayey dar-dargelinta hirgelinta Diiwaangelinta Casriga ah ee Codbixiyayaasha, si loo xoojiyo hannaanka Dimuqraadiyadda ee dalka iyo kalsoonida ay codbixiyeyaashu ku qabaan geeddi-socodka Doorashooyinka dalka. 

Ugu horrayn, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa Madaxweynaha la wadaagay Qorshe Hawleed dhammaystiran, Hab-raacyada farsamo iyo Jadwalka lagu hagayo hirgelinta Diiwaangelinta Cusub ee Casriga ah ee Codbixiyayaasha, taasi oo laga fulin doono dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka. 

Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa ay Madaxweynaha u sharraxeen in nidaamka Diwaangelinta Cusub uu ku salaysan yahay adeegsiga aqoonta iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee xilligan, si loo xaqiijiyo Diiwaangelin cusub oo sugan, daah-furan, sax ah oo la jaan-qaadaysa Halbeegyada Caalamiga ah, isla markaana fududaynaysa ka qaybgalka muwaadiniinta JSL ee xaqa u leh codbixinta iyo tayaynta guud ee geeddi-socodka Dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka dalka. 

Madaxweynaha ayaa Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan horumarinta nidaamka Diwaangelinta iyo Doorashooyinka dalka, isaga oo ku boorriyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, si loo xaqiijiyo diiwaangelin tayo leh oo gaadha dhammaan muwaadiniinta xaqa u leh codbixinta. 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa adkeeyey in dhismaha hannaanka Diwaangelinta Codbixiyayaasha oo casri ahi uu saldhig u yahay xoojinta dimuqraadiyadda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo xaqiijinta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada kalsoon yahay. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay ka soo baxayso waajibaadkeeda la xidhiidha diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya hirgelinta Diiwaangelinta Cusub ah ee Codbixiyayaasha dalka. 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-shaqaynta Hay’adaha ay khusayso, diyaarinta iyo dar-dargelinta hannaanka farsamo iyo ka maamul ee Diwaangelinta cusub, iyada oo laga faa’iidaysanayo tiknoolajiyadda casriga ah si Jamhuuriyadda Somaliland u sii xoojiso sumcadeeda ku aaddan qabsoomidda doorashooyin si nabad ku dhaca, xor ah oo lagu wada kalsoon yahay. 

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*