Latest News

Xuutiyiinta oo ciidamo ka dhex qoranya muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku sugan xeebaha Yemen

Haatufonline,July 5,2026

Waxa soo shaacbaxaya warar sheegaya in Xuutiyiintu ay ciidan ka dhex qoranayaan muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku sugan deegaanada xeebta ah ee Yemen.
Ilo maxali ah iyo warbixinno sirdoon ayaa labaduba tilmaamayaan in Xuutiyiinta oo la kaashanaya rag Soomaali ahi ay hawsha ciidan-qorista ka wadaan gobolada xeebta bari gaar ahaan Al-Mahra iyo Xadramood, halkaas oo ay joogaan muhaajireen dhawaan dalka soo galay isla markaana ay ku noolyihiin Soomali ka shaqaysta dhaqaalaha badda .

Ilaa hadda waxa la sheegaya in la diyaariyey 30 dhalinyaroo Soomali ah ,kuwaas oo loo qaadayo dhulka ay Xuutiyiinta maamulaan si ay qaataan tababar militari ka hor intaanay ku biirin ciidanka Xuutiyiinta.
Waxa kale oo jiray 80 Soomaali ah oo hore loo sheegay inay ku biireen Xuutiyiinta balse aan wali war laga hayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Warbixinno sirdoon ayaa iyaduna tilmaamaya in ciidan qoristu aanay ku koobnayn Xuutiyiinta balse ururada argagixisada qudhidoodu ay xubno ku biira ka dhex ugaadhsadaan muhaajirinta iyo Soomaalia kale ee ka xoogsata xeebaha Koonfurta Yemen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*