Latest News

10 Qof Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Koonfurta Sudan

Juba, , March 3, 2021 (Haatufonline) – Ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan labadii duuliye ayaa ku dhintay markii diyaaradi ku dhacday garoonka diyaaradaha ee gobolka Jonglei ee Koonfurta Sudan, sida ay sheegeen guddoomiyaha gobolkaasi iyo shirkadda diyaaradan lahayd ee South Supreme Airlines.

Diyaaradan oo ahayd mid ganacsi ayaa dhammaan dadkii saarnaa ay dhinteen galabnimadii Salaasadii shalay markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Pieri iyadoo dib ugu nqonaysay duulimaadkeedii caasiada Juba.

“Waxay ahayd naxdin iyo argagax weyn inaanu helno warka ku saabsan shilka diyaaradda (HK-4274) ee Koonfurta Suudaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolkaas, Denay Jock Chagor oo la hadlay AFP. “Toban qof oo ay ku jiraan labada duuliye ayaa naftooda ku waayey,” ayuu intaa raaciyay.

Ayii Duang Ayii, oo ah agaasimaha South Supreme Airlines, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP maanta oo Arbaco ah in aanay cadeyn tirada dadka la socday diyaarada. Balse xogtii ugu horreysay ee nala soo gaadhsiiyey waxay ahayd inay diyaaradda saarnaayeen 11 qof, ”ayuu yidhi agaasimaha. “Waxaan wali ka shaqeyneynaa inaan dirno koox … si ay noogu soo xaqiijiso xaqiiqda. Dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda way dhinteen,” ayuu yidhi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*