Latest News

10 Qof Oo Uu Ku Jiro Gudoomiyaha Degmada Marka Oo Ku Dhintay Qarax Ismiidaamin Ah

Marķa, July 27, 2022(Haatufonline) – Wararka ka imanaya degmada Marka ee gobolka Sh/hoose  ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmadaasi ay ku dhinteen 10 qof oo uu ku jiro guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmada Marka, askar iyo dad shacab ahaa.
Qaraxa Ismiidaaminta ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay guud ahaan magaalada Marka, waxaana jira dhaawac tiro badan, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaankaasi.

Xaalada magaalada Marka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka degmada iyo maamulka gobolka Sh/hoose oo ku saabsan qaraxa gilgilay magaalada Marka Caddey.

Connect with us on Facebook