Latest News

Cirro Waxa Uu Taageeroyaashiisa Baraha Bulshada Faray Inay Somaliland Sumcadda Ka Dilaan Si Aan Loo Aqoonsan

FAALLO. July 25.2022(Haatufonline)

By :Xuseen Colaad.

Hadalki uu maanta jeediyey murashaxa madaxweyne ee xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro waxa ku jirtay in madaxweyne Muuse Biixi uu niyad jab ku riday saaxiibadi ay Somaliland caalamka ku lahayd ee u heelanaa taageerida aqoonsiga Somaliland waxaanu sabab uga dhigay tacdiyo ka dhan ah dimuqradiyada oo uu ku talaabsaday madaxwyne Bixii iyo doorashadi madaxtooyada oo uu diidanyahay in waqtigeedi la qabto.
Eedaha uu Ciro usoo jeediyey xukuumadda iyo madaxweynaha ka jawaabisteedu waxay u taalaa cidi loo soo jeediyey.

Laakiin muwaadin ahaan waxan ogahay in Cirro u taageeroyaashiisa faray inay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka u adeegsadaan sumcad dilka Somaliland si aan loo aqoonsanin oo aanu Muuse Biixi u helin taageero dib loogu doorto.
Hadaba si ay muhimadaa u fuliyaan, taageeroyaasha Cirro afar sanadood ku dhawaad waxay yool ka dhigteen Siyaasiiyiinta,Aqoo nyahanka,Suxufiyiinta iyo xata Shakhsiyaadka caadiga ah ee la ogyahay inay taageeraan qadiyada iyo aqoonsiga Somaliland. Waxay caadaysteen inay warar iyo falooyin barabogaandha iyo been abuur ah oo ku lidi ah Somaliland intay soo dhigaan isla markaana ay ogeysiiyaan ama la wadaagaan(taag gareeyaan) saaxibadii ay Somaliland dunida ku lahayd iyo warbaahinta caalamkaba.
Hadiiba dadka ajaanibka ahi ay Somaliland wax wanaagsan ka qoraanna way ka daba qaataan iyagoo duraya wixii la sheegay.Waxaana marwalba qoraaladooda taageeraa ama u qushuuca oo “Like” siiya taageeroyasha Farmaajo ee N&N.
Waxa kale oo ay aanay ka daalin inay qoraalkasta oo sumcad iyo magac dilba ku ah dalka ogeysiiyaan diblomaasiyiinta ku sugan Muqdisho. Waxaana jira magacyo caan ku ah baraha bulshada oo ka mid ah kooxda hawshan u qaabilsan Mr Cirro iyo xisbiggiisa Wadani.

Kooxdan oo uu hogaamiyo Xoghayaha Guud ee Wadani Khader Looge waxay mudooyinkan dambe culaska saareen oo ay yool ka dhigteen xubnaha baarlaamanka Ingiriiska ee taageera aqoonsiga Somaliland ee uu hogaamiyo Gavin Williamson iyo xubnaha baarlamanka Maraykanka ee dhawaan soo saaray xeerka ku saabsan iskaashi ciidan iyo diblomaasiyadeed oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka oo ay hogaaminayaan xildhibaan Michael MacCaul iyo Senator Jim Risch iyadoo ay kooxdan u sheegto in Somaliland ay ka jirto dikteetarnimo iyo xuquuqda aadamaha iyo xoriyatal qawlka oo si xun loogu xadgudbo.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii uu Guddoomiyaha Wadani Xirsi qoraal u soo dhigay barta Twitterka kuu taag gareeyey Gavin Williamson MP iyo Senator Jim Hirsch oo ah labadi nin ee Somaliland hawsha weyn la waday iyadoo u Xirsi ku ogaysiinayey in lagu kala kacay wada hadaladi ku saabsanaa doorashada ee u dhaxeeyey mucaaridka iyo xukuumadda ka dib marki uu madaxweynuhu diiday inuu gudi dhexdhexaadinaysay u qabsoomo.
Bal maxaa ka khuseeya labadaas nin arinta yar ee reer Somaliland u taala inay iyagu xal ka gaadhaan sidii dhaqankoodu awalba ahaan jiray ee calamku ogaa inay kaga duwanyihiin reer Somalia?

Kadib markii ay fariimihi Wadani dhago barjeeyeen waxa uu Senator Hirsch labaatanki bishan soo dhigay bartiisa Twitterka hadal uu ku yidhi “Somaliland waxay noqon karta waana inay bil xaqiiqa noqotaa qindi adag oo ay Maraykanka wax wada gali karaan.Waana sababta aan usoo jeediyey Xeer u gogol xaadhaya sidii ay arintaasi suurtagal u noqon lahayd.Hasa yeeshee lama aqbali karo inay Somaliland sii waddo xagaldaacinta xoriyadda Saxaafadda xili ay waliba mujinayso in guulaha ay dimuqraadiyadda ka gaadhay yihiin waxyaabaha ay kaga duwantahay mandaqadda inteeda kale ee lagu majiirto”.
Qoraalka Senator-ka ayaa kusoo beegmay go’aanki uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ku hakiyey wadashaqaynti ay wasaaraddiisu la lahayd Laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

Dad aad u tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa u baxay difaaca go’aankaa waxaanay qoraalo ay kaga jawaabayaan hadalaka Senator-ka soo dhigeen barta uu ku leeyahay Twitterka iyadoo ay sharax badan ka bixiyeen qaladaadka iyo gefafka mihnadeed ee ay BBCSomali kula dhaqmaysay iyo hagardaamooyinka ay ku haysay dalka Somaliland tan iyo maalinti uu lasoo noqday madaxbanaanidiisii.Waxaseh xusid mudan in qaar ka mid ah taageeroyaasha wadani ay iyaguna soo dhigeen qoraalo ay ku sumcad dilayaan Somaliland oo ay ku sheegayaan inay noqotay meel qudhintay oo kalidi taliye xukumo iyadoo ay ku dabo gabanayaan ama ku halqabsanayaan dhaleecayn ay usoo jeediyeen go’aanki lagu joojiyey hawlihii Laanta Afka Soomaaligu ka wadday dalka.Waxa ka mid ahaa dadkaasi Maryan @mari-ah ,Zakariye Jaylaani @Zakariyejaylaa1@ deltastorm17 @Caynaan7 .Labada u dambeeyaa waxaabay Senator-ka ka dalbadeen inuu la noqdo xeerka kor ku xusan waxaanay yidhaahdeen Somaliland uma qalanto meel la aqoonsado. Waxaana siday caadadu aheyd sidaas ku taageeray dad kasoo jeeda Somalia oo caan ku ah nacaybka iyo colaadda ay u qabaan Somaliland.

Xisbiga Wadani iyo Cirro dimuqraadiyadi Somaliland ka jirtay ee ay sanadki hore ku caano maaleen ee u suurto galisay inay ku guulaystaan aqlibiyada kuraasti Baarlamanka ayey maanta ku sheegayaan digteeternimo ururada la furay awgeed waxaany sheekadi la maraysaa meel fog oo dhaafsiisan doorasho madaxweyne oo la qabto waqtigeeda.

Connect with us on Facebook